HomeWarkiiAlsabaab oo weerar ku ekeeyay fariisin ciidamada Dowladu ku leeyihiin Gobolka Bay

Alsabaab oo weerar ku ekeeyay fariisin ciidamada Dowladu ku leeyihiin Gobolka Bay

BARDAALLE (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya deegaanada Maamulka Koofur-galbeed ayaa sheegaya in kooxda Alshabaab ay weerar culus ku ekeysiisay fariisin ciidamada Xooga Dalka Somalia ku leeyihiin  Degmada Ceel-barde ee Gobolka Bay.

Reer Bardaalle ayaa laga soo xigtay in labada dhinac waqti kooban is dhaafsadeen rasaas xooggan walow aaney wax intaas dhaafsiisan aysan shacabku bixin.

War ka soo baxay dhanka Alshabaab ayay ku sheegteen in weerarkooda ay dhimasho iyo dhaawacba ay ku gaarsiyeen ciidamad Dowlada,sidoo kale Dowlada ayaa dhankeeda sheegatay inay Alshabaab iska difaaceen islamarkaana ay khasaare dhomasho ku garsiiyeen Alshabaab.

Ma jirto warar madax banaan oo kala cadeynaya wararka kala duwan ee ka soo kala baxay saraakiisha kala hogaamineysay dagaalkii Ceel-barde

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -