AWDHEEGLE (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Magaalada Awdhegle ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in Alshabaab badan ay galabta ku dhinteen qarax ay iyagu ku aasayeen guri-ku yaal Degmadaasi.
Wararka waxay tilmaamayaan in qaraxa ay ku dhinteen Alshabaab ka badan 10 dagaalame halka kuwa kalana ku dhaawacmeen xili ay ku mashquulsanaayen miina aas.
Warar kale ayaa sheegaya in ciidamada Dowlada iyo kuwa howlgalka AUSSOM inay sedex jiho ka go’doomiyeen Magaalada Awdheegle islamarkaana ay qorshayaan inay Alshabaab ka saaraan Magaaladasi taasoo ah qorshe u degsan Dowlada Somalia.
Lama yaqaan inta ay ku qaadan karto ciidamada Dowlada Somalia iyo kuwa midowga Afrika inay Alshabaa ka saaraan Degmada Awdheegle oo ay hada ku haareereysan yihiin islamarkaana sedex jiho ku diyaarsan yihiin inay ka galaan Magaalada.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
