Taliska Guutada 8-aad Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Qeybta 60aad.waxaa maanta isku soo dhiibay nin ka tirsanaa kooxda Alshabaab.

Ninkaan isa soo dhiibay oo lagu magacaaabo Maxamed Ibraahim ayaa  dhanka Alshabaab-na looga yaqaanay  Najiib.

Advertisement

Najiib wuxuu kooxdaan ka tirsanaa sida uu sheegay mudo sedex sano ah ,wuxuuna ka mid ahaa qeybta Jabhadaha ay u yaqaanaan Alshabaabku.

Dhanka kale wuxuu qirtay inuu dagaalo badan ka qeybgalay kuwaasoo badankoodna ka dhaceen dhanka xad beeneedka Kenya iyo Somalia sida Mandheera iyo Lamu.

“Degmada Saakow ee Gobalka Jubadda Dhaxe ayaan tababar ku soo qaatay”ayuu yiri mar uu la hadlay Maxamed Najiib Saraakisha Ciidamada Qaranka

Mar la weydiiyay wuxuu saaxiibadisa hawada u marin lahaa ayuu ugu baaqay kaliya in sidiisa oo kale ay isku soo dhiibaam Dowlada

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleDuqeyn Diyaaradeed oo lagu burburiyay keydka  Alshabaab ee Galgaduud.
Next articleDAAWO:Taliyaha Booliiska oo sheegay in Ciyaartii Fiinaalka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 40 askari oo Taliyana uu ku jiro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here