Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ka howlgalaya magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa soo bandhigay C/risaaq Iftiin Baroow, oo iskusoo dhiibay kadib markii uu ka baxay maleeshiyaadka Khawaarijta.
C/risaaq, oo 20 jir ah, ayaa ku dhashay deegaanka Ceelcade, wuxuuna Khawaarijta ku biiray bishii Maarso ee sanadkii 2023, isagoo tababar ku qaatay deegaanka Iidaale ee gobolka Baay.
C/risaaq ayaa sheegay in uu ku dhaawacmay mid ka mid ah howlgaladii ay Ciidanka Xoogga Dalka ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose, taasoo sababtay in uu dib uga fakaro fikirka qaldan ee kooxdiisa.
C/risaaq Iftiin Baroow ayaa sheegay in uu go’aansaday inuu ka soo baxo Khawaarijta kadib markii uu ogaaday in ay si khaldan u adeegsadaan diinta Islaamka iyo dadka Soomaaliyeed. Wuxuu intaas ku daray in uu la soo xiriiro ehelkiisa oo ku kuwaas oo ku dhiirrigeliyay inuu isku soo dhiibo dowladda.
Ugu dambeyn, C/risaaq ayaa 3-da Noofambar 2025 si nabad ah isugu soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan m magaalada Garbahaarey, halkaas oo hadda lagu hayo si baaritaan iyo qiimeyn amni loogu sameeyo.
