Waxaa aad u sii kodhaya dagaal yahanada Alshabaab ee isku soo dhiibaya Dowlada Soomaaliya xili mar kastaba madaxda Dowladu ku baaqaan in dhalinyarada Alshbaab Dowlada ku soo biiraan.

Advertisement

Waxaa Saaka Dowlada isku soo dhiibay Soomow Ibraahim iidow oo dhanka Alshabab looga yaqaanay (Macallin Soomow).

Ninkaan oo Alshabaab ugu qaabilsanaa dhanka kooxda Jabhadaha ayaa si gaar ah isugu soo dhiibay  Taliska Guutada 8-aad Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Mar wax laga weydiiyay mudada uu kooxdaan ka tirsanaa ayuu sheegay inuu ka mid ahaa 5-Sano ah.

Dhanka kalde Macalin Soomoow wuxuu sheegay inuu uga soo tagay Alshabaab tacadiyada ay shacabka u gaystaan iyo mashaakilka dhexdooda ka jira darteed.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleSAWIRRO: Falastiini ka soo qaxay Duqeymaha oo sameystay shaqo abuur farsamo cusub ah
Next articleGud. Aadan Madoobe oo shir gudoomiyaya shirka Gudiyada Baarlamaanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here