DADAB (DAYNIILE.COM)-Dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab ayaa la soo sheegayaa inay saaka aroortii weerar ku qaadeen xero Milateri oo Ciidamada Kenyku leeyihiin Deegaanka Sareedo oo hoos taga Magaalada Dadab ee ku dhaw xad beeneedka Soomaaliya iyo Kenya.
Dagaalka oo ahaa mid xooggan ayaa waxaa ka hadlay oo guulo ka sheegtay kooxda Alshabaab ,iyagoona barahooda bulshada ku shaaciyay inay weerarkooda ku dileen 2 askari oo Kenya ahaa inkastoo Taliska Milateriga kenya wali ka hadlin.
Alshabaab waxay sidoo kale sheegteen inay dagaalka ku gubeen gaadiid badan oo ay lahaayeen ciidamada Kenya intii dagaalku socday.
Inta badan kooxda Alshabaab ayaa weeraro ku dhufoo ka dhaqaaq ah waxay ka fuliyaan deegaanada Waqooyi Bari ee ku yaal xadka Kenya iyo Somalia kuwaasoo iugu jira weeraro toos ah iyo qaraxyo miino oo ay wadada ugu aasaan ciidamada ilaalada xuduudadaha ee Booliiska iyo Mialteriga isugu jira.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
