BAYDHABA (DAYNIILE.COM)-Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xooga Dalka Somalia iyo kooxda Alshabaab ayaa dhinac kasta wuxuu guul ka sheegtay dagaal culus oo saacadihii ugu danbeeyay ku dhexmaray duleedka Magaalada Baydhaba ee xarunta Maamulka Koofur Galbeed.
Dagaalkaani ayaa yimid kadib markii dagaalamayaasha Alshabaab ay weerar qorsheysan ku qaadeen deegaanka Burjeed ee duleedka Magaalada Baydhabo gaar ahaan fariisin ay halkaasi ku leeyihiin ciidamada Xooga Dowlada Somalia,dagaalkaasi ayaa la usku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.
Iska hor imaadkaan wuxuu socday waqti kooban islamarkaana uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac walow tira sugan aan laga soo gubin marka la eego warara madaxa banaan oo ay adag tahay in laga helo aagaasi.
Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay inay dagaalka ku dileen ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada , sidoo kale saraakiisha Dowlada ayaa iyaguna sheegtay inay iska difaaceen weerarka kaga yimid Alshabaab islamarkaana dileen intii ugu badneyd dagaalamayaashii weerarka soo qaaday.
Ma jirto ila madax banaan oo kala xaqiijinaya wararka dhinacyadaani ka soo kala baxay kuwaasoo dhinac kasta guul ku sheeganeyo.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
