Alshabaab iyo maamulka Gobolka Banaadiir oo ka hadlay Qaraxii Maanta ee magaalada Muqdisho

0

Waxaa saakay qarax gaarigiisa loogu soo xiray sargaal katirsan ciidanka booliiska Soomaaliya uu ka dhacay agagaarka hotelka Muna oo ku dhaw Barxada Iskaashatooyinka ee degmada Xamar Weyne.

Afhayeenka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan ayaa sheegay in qaraxa ka dhacay Xamar Weyne ay ku geeriyoodeen Sarkaal booliis oo lagu magacaabayay C/Shakuur Xuseen Cabdi Jaabiri) iyo qof kale oo la socday.

Waxa uu sheegay Afhayeenka in qaraxa sargaalka lagu dilay uu ahaa mid gaarigiisa loogu soo xiray, waxa uuna ugu baaqay dadka in ay ka feejignaadaan halka ay dhigayaan gaadiidkooda.

Dhinaca kale War kooban oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegtay masuuliyada qaraxan saakay lagu dilay sargaalka katirsanaa ciidanka booliiska Soomaaliya, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in sargaalkaasi bartilmaameed u ahaa.

Al Shabaab ayaa inta badan sheegata qaraxyada iyo dilalka loo geesto saraakiisha iyo dadka kale ee xiriirka la leh dowlada, waxaana qaraxan saakay ka dhacay Muqdisho nuucyo lamid ah horey Al Shabaab ugu dileen saraakiil iyo dad kale oo badan.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here