HomeWarkiiAlshabaab-kii ka danbeeyay qaraxii Madaxweynaha lala eegtay oo howlgal lagu dilay

Alshabaab-kii ka danbeeyay qaraxii Madaxweynaha lala eegtay oo howlgal lagu dilay

War Saxaafadeed

Muqdisho, September 09, 2025: Howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Saaxiibada caalamka oo ka dhacay deegaanka Ugunji ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu dilay horjooge Maxamed Cabdi Dhiblaawe Afrax, oo sidoo kale lahaa magacyada afgarashada (Khaalid Dheere, Khaalid Dacas, Macallin Siciid, Timo-jilac iyo Maxamed Sahal).

Horjoogahan oo ahaa maskaxdii ka dambaysay qaraxii ka dhacay Isgoyska Ceel-gaabta kaas oo lagu weeraray kolonyada Madaxweynaha JFS, 18-kii Maarso 2025, ayaa galabta lagu soo afjaray howlgal bartilmaameed ahaa oo lagu beegsaday Gaari Noah ah oo ay saarnaayeen isaga iyo dhagar-qabe kale.

Horjoogaha ayaa sidoo kale ku lug lahaa Qaraxyo iyo falal kale oo amni-darro ah kuwaas oo dad shacab ah lagu dhibaateeyay, waxaana si toos ah loogu raad joogay tan iyo markii uu dhacay Qaraxii Ceel-gaabta.

NISA waxa ay soo gudbin doontaa macluumaad dheeri ah oo ku saabsan xogta howlgalka iyo dhagartii horjoogahan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -