BALAD-XAAWO (DAYNIILE.COM)-Taliska Ciidamada Hay’ada Nabad sugida ee Gobolka Gedo ayaa soo bandhigay Alshabaab ay qabteen oo ka sheekeynaya weerarada iyo dhibaatooyinka ay ka geystaan Magaalada Balad-xaawo oo ka mid ah Gobolkaasi.
Ninka Alshabaabka ah ee la qabtay oo la wareysanayay ayaa sheegay in loo direy inuu nin shacab ah soo dilo xili teel laga hagayay,wuxuu xusay inuu isagoo arkaya ku dhahay uma jeedo madaama uu aakhiradiisa ilaashanayay kadib lagu amray inuu bistoolad uu u hayay iska dhigo.
Haddaba halkaan ka daawo muuqaalka ninkaan Alshabaab oo ka warbixinaya shaqada ay ka hayeen si gaar ah Magaalada Balad-xaawo:-
