Laba Nin oo ka tirsanaa Kooxda Alshabaab ayaa Maanta lagu soo kala bandhigay Gobolka Shabeelaha hoose iyo Gobolka Bakool markii ay isasoo dhiibeen.

Mid ka mida labada nin ee isasoo dhiibeen waxaa lagu magacaabaa C/rashiid Maxamed Cabdi oo kooxdiisana looga yaqaanay  Indhacade wuxuu alshabaab ka mid ahaa mudo 5-sano ah,isagoo ku biriey 2018-kii.

Taliyaha Ururka 83-aad, guutada 14-ka October Gaashaanle Maxamed Nuur ayaa Deegaanka Jannaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku soo dhaweeyay Indha-cadde markii uu xiriri la soo sameeyay dhanka Ciidamada Dowlada.

C/rashiid Maxamed Cabdi Mar uu ka hadlaayay sababta ku dhalisay inuu ka soo tago Alshabaab ayuu ku sheegay
Nololasha oo ku adkaatay iyo dhibaatooyin kale.

Advertisement
Dagaalamaha kale ee isa soo dhiibay ayaa isna lagu magacaabaa Aadan isaaq Aadan oo Alshabaabkuna u yaqaanaan Zuber.

Zubeer wuxuu isku soo dhiibay  Ciidanka Nabadsugida Ee kusugan degmada Xuddur ee gobolka Bakool,wuxuu isna ka tirsanaa Alshabaab 5 sano ah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMMay be an image of 1 person and treeMay be an image of 1 person, grass and tree

Previous articleDuqeymò diyaaradeed oo Saaka lagu burburiyay Saldhigyadii Al-shabaab ee Gobolka Mudug
Next articleTaliyaha Ciidamada Xoogga oo sharaxay tirada Alshabaab looga dilay howlgalkii diyaarada ay fulisay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here