Maxamed Nuur Aadan oo 6-dii Sano ee la soo dhaafay kamid ahaa Khawaarijta ayaa maanta isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga, gaar ahaan Guutada 14-ka October.

2017 ayuu Khawaarijta kaga biiray degmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay isagoo intaas kadib noqday Darewal iyo Farsamayaqaan Cilad bixiya gaadiidka ay Argagixisada isticmaalaan.

Advertisement

Intii uu ka tirsanaa Khawaarijta wuxuu ka soo shaqeeyay Gobolada Jubooyinka, Hiiraan, Baay iyo Shabeellaha Hoose, sida uu sheegay inuu soo gaba-gabeeyo Safarkiisa Argagixisanimo ayaa ku kaliftay Nolosha adag ee ay Xiligan wajaheyso Khawaarijta iyo Cadaadiska ay Cir iyo dhul ka saareen geesiyaasha Qarankeenna.

XIGASHO WARBAAHINTA DOWLADA

Previous articleDuqa Muqdisho oo damanaad qaaday nolosha Caruurtii ay ka geeriyootay hooyadii ninkeedu gubay+Sawirro
Next articleWasaarada Ciyaaraha Galmudug “inagu masuul kama nihin xaflad la sheegay in lacag lagu galaayo oo kooxda loo sameynayo”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here