Sida lagu shaaciyay warbaahinta Dowlada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta waxaa isku soo dhiibay Ibraahin Yuusuf Nuur Muxumed, oo Khawaarijtu u yaqaannay magaca afgarashada Cimraan, kaasi oo muddo katirsanaa maleeshiyaadka nabadiidka ah.
Ibraahin, oo ku dhashay gobolka Hiiraan sanadkii 2006-dii, ayaa go’aansaday inuu ka faa’iideysto fursadda dowladdu iyo ciidanka qaranku u fidiyeen dhalinyarada ay marin habaabiyeen Khawaarijta.
Isagoo ka badbaaday fikirka khaldan iyo marin-habaabinta cadowga, ayuu go’aansaday inuu isku soo dhiibo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si uu u helo nolol cusub oo ka fog khataraha Khawaarijta.




