Alshabaab oo 4 Nin toogatay magacyada 4 Nin

0

degmada Saakow ee gobolka Jubada Dhaxe ku toogtay afar nin oo ay ku eedeeyeen in ay ahaayeen jawaasiis la shaqeysa Sirdoonka Soomaaliya iyo kuwo wadamo shisheeye.

Qaadiga Maxkamada Al Shabaab ee la saaray afartan nin ayaa ku eedeeyay in ay ahaayeen jawaasiis qaarkood ficiladii ay sameeyeen dhibaato ka dhalatay iyo kuwa laga hortagay kahor inta aysan shirqoolo geesan sida uu tilmaamay qaadiga Al Shabaab.

Dadweyne badan ayaa isugu soo baxay fagaaraha afartan nin lagu tooganayay , waxaa sidoo kale goobta toogashada ka dhacday ku sugnaa saraakiil iyo dagaalyahano katirsan kooxda Al Shabaab.

Halakn ka Akhriso Magacyada afarta nin ee la toogtay iyo dambiyada lagu eedeeyay

1- Maxaamd Aadan Xassan (Maxamad Kheyr) oo 51 jir ah ayaa Al Shabaab ku eedeeyeen inuu la shaqeynayay Sirdoonka Mareykanka iyo Qaramada Midoobay.

2- Cusmaan Faarax Dhaqane oo 27 jir ahaa ayaa isna lagu eedeeyay in uu la shaqeynayay Sirdoonka Dowlada federaalka Soomaaliya.

3- Cali Cabdiraxmaan Cabdi, oo 33 jir ahaa ayaa isna lagu eedeeyay in basaas u ahaa sirdoonka Dowlada Soomaaliya.

4- Cabdi Sahal Dhabbar (Cabdi Xarqi) ayaa isna lagu eedeeyay in uu la shaqeenayay sirdoonka dowlada Kenya, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in uu ka howlgali jiray Waqooyi Galbeed Soomaaliya.

Al Shabaab ayaana dhawaan sidaan oo kale afar nin oo iyana ku eedeeyeen basaasiin ku toogtay fagaare kuyaala Deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo , waxaana jira rag kale oo iyana Al Shabaab ku eedeeyeen falal basaasnimo oo xabsi ugu jira.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here