Faah Faahin: Rasaas ayaa laga maqlayaa Degaanka Ceel dheere oo dhaca inta u dhaxeysa Dhusomarreeb iyo Guriceel kadib markii Al-shabaab ah soo galleen caawa halkaasi.

Dhawaqa Rasaas lais weedaarsanayo ayaa ka socota Kontaroolka Ceeldheere ee dhanka wadada laamiga ee Aada Guriceel.

Xiriir aan la sameynay Dadka Degaanka waxa ay inoo shegeen in fiidkii hore ee caawa cabsi ay jirtay kadib markii la ogaaday in Al-shabaab ku suganyihiin meel aan ka fogeyn Ceeldheere.

Ciidamada Dowladda Somalia ayaa wada dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo ku wajahan Ceeldheere, waxaana halkaasi horey u joogay Ciidamo Booliis ah oo Degaanka ka howgalla.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here