Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa saaka qabsadeen deegaanka Ceel Cadde ee galbeedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Taliyaha Saldhiga Degmada  Far-libaax Maxamed Salaad ayaa u sheegay idaacda Kulmiye in Deegaanka Alshabaab qabsadeen ay ku sugnaayeen ciidamo macawisleey ah.
“Ma jirto wax dagaal ah oo dhacay, way isaga soo baxeen Macawisleydu deegaanka Ceel-cadde markii ay ogaadeen in Alshabaab weerar ku soo yihiin ayna ka badan yihiin sidaas ayayna xeelad dagaal uga soo baxeen”ayuu yiri Taliye Maxamed  Salaad.
Dhanka kale Taliyaha wuxuu xusay in ciidamada Dowlada iyo kuwa deegaanka oo is kaashanaya ay weerar ku yihiin kana saari doonaan halka ay qabsadrrn Alshabaabku.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here