HomeWarkiiAlshabaab oo dhaq dhaqaaq ciidan ka wada deegaan ku dhaw Degmada Maxaas 

Alshabaab oo dhaq dhaqaaq ciidan ka wada deegaan ku dhaw Degmada Maxaas 

MAXAAS (DAYNIILE.COM)-Kooxda Alshabaab ayaa la soo sheegayaa inay dhaq dhaqaaq ciidan ka wadaan deegaanka Teedaal oo ku dhaw Magaalada Maxaas ee Gobolka Hiiraan halkaasoo dagaalamayaal hubeysan ay ku soo daad gureynayaan sida xogaha la helayo sheegayaan.

Wararka ku aadan ujeedka kooxda Alshabaab ciidamada ugu soo gurayaan deegaanka Teedaal ayaa sheegaya inay heleen xog ku aadan weerar ka imaanaya dhanka Dowlada Somalia oo ku wajahan dhankooda sidaas daraadeed qorshahodu yahay inay ka hor tagaan oo iska difaacaan weerarka ay ka cabsanyaan inuu Dowlada iyo macawisleyda kaga yimaado.

Ciidamada Xooga oo kaashanaya kuwa macawisleyda Hiiraan ayaa la soo sheegayaa inay iyaguna diyaarinayaan weerar ay Alshabaab ku qaadaan si ay uga saaraan deegaanada ay dhawaan qabsadeen.

Tan iyo markii sanadkii hore bilowgiisii iyo bartamihiisaba Alshabaab qabsadeen Degmooyin iyo deegaano Hiiraan ka tirsan sida Moqokori,Maxaas iyo Tardho waxaa soo badanayay diyaar garowga Ciidamada Dowlada iyo kuwa deegaanka si ay mar kale Alshabaab uga soo celiyaan meelaha ay qabsdeen ,sidaas oo kale Gobolka Shabeelaha dhexe ayay ciidamada Xooga ka wadaan dhaq dhaqaaayo tan Hiiraa la mid ah.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -