Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellada Hoose ayaa  sheegaya  in ciidamada  alshabaab ay la wareegeen Deegaano ay ka baxeen AMISOM saakay.

Ciidamadaas oo ahaa kuwa Uganda ayaa sida la sheegay waaberigii hore ee saakay isaga baxay saldhig ay ku lahaayeen deegaanka Mashallaay oo u dhaxeeya magaalooyinka Qoryooleey iyo Buula-Mareer ee gobolka Shabeellada Hoose.

.

Al-Shabaab ayaa la wareegtay saacad kadib halkaas, markii ay ka baxeen Ciidamada Amisom, waxayna dadka kula hadleen goob fagaare ah.

Sanadkii 2014-kii ayay aheyd markii ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay Al-Shabaab dagaal uga qabsadeen degmada Qoryooleey iyo deegaanka Mashallaay oo hoos taga, balse maanta ayey ciidamadu soo baneeyeen saldhigyadii ay ku lahaayeen deegaankaas, oo muhiim u ah isu-socodka magaalooyinka Qoryooleey iyo Buula-Mareer.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here