MAXAAS (DAYNIILE.COM)-Dagaal yahanada kooxda Alshabaab ayaa la soo sheegayaa inay saacadihii la soo dhaafay qabsadeen deegaanka Qool oo 45 KM galbeed kaga beegan Magaalada Maxaas oo laftigeedu dhawaan ay qabsadeen.
Deegaankaan oo istaraatiiji ah ayay Alshabaabku dagaal la’aan kula wareegeen markii macawisleyda reer Hiiraan ay isaga baxeen si iskood ah taasina ay keentay in alshabaab deg deg kula wareegaan markii la baneeyay.
Kooxda Alshabaab ayaa u muuqata inay deegaano hor leh qabsanayaan xili dhawaan ay magaaloyin waa weyn qabsadeen sida Maxaas iyo Moqokori.
Talaabada Alshabaab qaadeen ayaa imaanaya xili maalin ka hor Baladweyne uu ka dhacay kulan lagu shaaciyay in reer Hiiraan qaadayaan duulaan ay dib ugu qabsanayaan deegaanadii iyo Degmooyinkii Alshabaab qabsadeen.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
