Wararka laga helaayo deegaanka Yasooman ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Alshabaab saaka weerar xooggan ku qaadeen deegaankaasi xili ay weearkooda ku soo bilaabeen tira madaafiic ah.
Alshabaab waxay si gaar ah weerarka toos ah ugu qaaday saldhig ciidamada Dowlada iyo kuwa macawisleyda ay ku leeyihiin banaanka deegaanka Yasooman waxaana dhex maray dagaal fool ka fool ah kaasoo la isu adeegsaday hubka nuucyadiia kala duwan.
Ciidamada Dowlada iyo kuwa deegaanka ayaa la soo sheegayaa inay jilibka u aasteen dagaalamayaasha Alshabaab oo iska diifaaceen islamarkaana dib isaga riixeen.
Alshabaab ayaa weerarkooda ka hor waxay madaafici hoobiyayaal ah ku garaaceen gudaha deegaanka Yasooman kadibna dagaal toos ah ayay isku arkeen ciidamada Dowlada iyo kuwa deegaanka oo saldhig ku lahaa banaanka deegaankaasi.
Ma jirto wax faahfaahin ah oo laga helay khasaaraha nafeed ee kala gaaray labada dhinac madaama dagaalku ahaa mid aad u xooggan oo hubka nuucyadiisa kala duwan la isu adeegsaday.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM