HomeWarkiiAlshabaab oo shaaciyay inay Saraakiil iyo ciidamo Mareykan ah ku dileen Kismaayo...

Alshabaab oo shaaciyay inay Saraakiil iyo ciidamo Mareykan ah ku dileen Kismaayo iyo Taliska Africom oo beeniyay

KISMAAYO (DAYNIILE.COM)-Dagaalamayaasha Kooxda Alshabaab ayaa sheegtay inay weerar khasaare gaystay ku qaadeen xalay ciidamo Mareykan ah oo degan meel ku dhaw garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubaland.

Alshabab waxay warkooda ku xuseen inay weerarkasi oo hoobiyayaal ay u adeegsadeen ay ku dileen saraakiil iyo ciidamo Mareykan ah oo saldhigaasi ku sugnaa halka kuwo kalana ay dhaawaceen balse war durba ka soo baxay Mareykanka ayaa lagu beeniyay.

Al-shabaab  waxay intaasi ku dareen inay weerarkan uu ahaa mid aargoosi ah,  oo ay ugu aargudayeen weerarada lagu xasuuqayo shacabka reer Falastiin gaar ahaan kuwa ku dhaqan marinka Qaza.

War ay barta X ku soo qoreen Taliska Mareykanka ee Africom ayaa ugu horeyn ku qirtee weerarka laakiin waxay sheegeen inuusan jirin wax khasaare ah oo ciidamadooda ka soo gaaray, iyagoona waxkama jiraan ka soo qaaday sheegashada Alshabaab.

“Ma jiro wax khasaare ah oo soo gaaray ciidamadeen, saldhiga iyo hantida Isbahaysiga”ayaa lagu yiri warka ka soo baxay taliska Africom

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -