MANDERA (DAYNIILE.COM)-Wararka laga heelayo Magaalada Madera ee waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in kooxo hubeysan oo Alshabaab loo maleynayo inay halkaasi ka afduubteen shaqaale xamaalato ahaa.
Laba nin oo la sheegay inay ka mid yihiin haqaalaha dhagaxa qoda ayay afduubtee lamana yaqaan halka ay ula dhaqaaqeen iyo ujeedka intaba,balse maaha markii ugu horeysay oo shaqaale gudaha ama ajanib laga afduubto dhulka Soomaalida Kenya.
Dhacdada oo si gaar ah uga dhacday deegaanka Shimbir oo ka tirsan degmada Mandheera ayaa la sheegay in kooxaha hubeysani jidka u galeen gaari nuuca dhagxaanta qaad ah markaasoo 2 nin ay kala degeen xili 4 kalana cagahooda ku baxsadeen.
Labada nin ee afduubtay oo aan u dhalan deegaanada Soomaalida ee Mandera ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Martin Musyoki iyo John Kambua waxaana hada socda baadi goobka booliiska ay ku doonayaan inay ku soo bad-baadiyaan labadaasi shaqaale u u gacan galay kooxda Alshabaab kuwaasoo la rumeysan yahay inay ka soo baxeen duurka ku dhow deegaanka Chachaboole.
Dhanka kale Dowlada Kenya ayaa dhawaan amatrtay in la joojiyo shaqada ay wadaan shaqaalaha dhagxaan qodida madaama iyaga si gaar ah loo bartilmaameedsanayo walow aad moodo inay ka madax adeygayaan si ay nolol maalmeed u helaan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
