Kooxda Alshabaab ayaa taatiko cusub oo halisteeda leh la soo baxday taasoo waji cusub u yeeli karta howlgalada Alshabaab ka dhan ah ee ka socota meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah sida meelaha Dowladu xukunto iyo meelaha maamul Goboleedyadu xukumaan.
Ilo wareedyo ku dhaw dhaw Jubaland ayaa sheegaya in dagaaladii ugu danbeeyay ee Alshabab iyo Jubaland ku dhexmaray duleedka Jamaame ayaa sheegaya in Akshabaab adeegsadeen Drons walxaha qarxa ay ku soo xireen iyo Drons wax u basaaseysa intaba xili la xasuuso bilo ka hor in Daacish-ta Puntland ka dagaalanta ay ciidamada Puntland u adeegsadeen drons qaraxyo sida.
Talaabada Alshabaab qaadeen waxay fariin cad u direysaa Madaxda Dowlada,kuwa Maamul Goboleedyada iyo saaxiibada caalamka ee Somalia klu taageera dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab,waxaa macquul ah in dagaaladu waji cusub galaan madaama talaabada Alshabaab ay tahay qatar iyo halis ku soo korortay furimaha dagaalka ee kala duwan.
Wasaarada Gaashaandhiga Somalia wali war rasmi ah kama soo saarin arintaan sida inay ka war hayaan iyo hadii ay la socdaan talaabada ka hor tag ee ay ku dhaqaaqayaan,alshabaab laftigooda kama hadlin halka ay ka heleen hubkaan walow hore looga digay in Xuutiyiinta ay macquul tahay inay xiriir la yeeshaan Alshabaab iyo inay si sahlan u siin karaan Darons-ka aan duuliyaha lahayn.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
