Af-hayeenka Kooxda Alshabaab Cali dheere ayaa si kulul wuxuu uga hadlay talaabada shalay Ra’iisulwasaaraha Israa’iil uu ku shaaciyay inuu Dowlad ahaan u aqoonsaday Somaliland l.
Cali dheere wuxuu sheegay inaysan marna aqbaleyn oo ay dagaal ka xigaan in Israa’iil soo degto Gobolada Waqooyiga Somalia islamarkaana halkaasi saldhigyo ka sameystaan,wuxu carabka ku adkeeyay inay Somaliland ka dhex dagaalami doonaan iyagoo beegsanaya Ciidamada Yuhuuda.
Af-hayeenka Alshabaab wuxuu wax lala yaabo islamarkaana laga xumaado ku tilmaamay in maanta dad Soomaaliyeed inta isku soo baxaan taageero u muujiyaan Yuhuuda oo maanta sida la wada ogyahay caalamka laga wada nacay marka la eego xasuuqa ay ku hayaan shacabka Muslimiinta ah gaar ahaan reer Qaza.
“waa dullinimo heerkii ugu sareeyay in maanta dad Soomaaliyeed u riyaaqaan in Natenyahu aqoonsi siiyay” ayuu yiri Af-hayeenka Alshabaab.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
