HomeWarkiiAlshabaab oo weerar culus ku qaaday saldhig Howlgalka AUSSOM uu ku leeyahay...

Alshabaab oo weerar culus ku qaaday saldhig Howlgalka AUSSOM uu ku leeyahay Degmada Qoryooleey

QORYOOLEEY (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in dagaal yahanada Alshabaab maanta weerar culus ku qaadeen saldhig ciidamada howlgalka AUSSOM ee Midoga Afrika ku leeyihiin Magaalada Qoryooleey.

Dadka ku dhaqan Qoryooleey ayaa laga soo xigtay inay aad u maqleen intii dagaalku socday hugunka rasaasta labada dhinac iyo guud ahaan hubka ay is weydaarsanayeen taasoo dadka deegaanka qaarkood aad u dareemeen cabsi iyo walwal bada.

Taliska AUSSOM iyo Dowlada war dhankooda ka soo baxay ayaa lagu shaaciyay in dagaalkaani ay iska caabiyeen Alshabaab islamarkaana ka dileen ilaa 4 dagaalame,sidoo kale waxay sheegeen inay qaar kalana ka dhaawaceen.

Sidoo kale Alshabaa ayaa dhankooda sheegtay guul iyugoona xusay inay  ciidamo ka dileen  inkastoo aysan jirin warar madax banaan oo kala cadeynaya sheegashada mid kasta uu guusha ku sheeganayo                                                                  a

XAFIIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -