BAYDHABA (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhaba ee Xarunta Maamulka Koofur-Galbeed ayaa sheegaya in maanta dagaal culus uu ka dhacay deegeenka Awdiinle ee duleedka Baydhaba kaasoo u dhexeeyay dagaalamayaasha Alshabaab iyo ciidamada Itoobiya.
Dagaalka oo la isu adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa yimid kadib markii Alshabab weerar culus oo qorsheysnaa ku qaadeen saldhig ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Deegaanka Awdiinle oo ah duleedka Magaalada Baydhaba waxaana la soo sheegayaa in labada dhinacba uu soo gaaray khasaare dhimasho iyo dhaawacba eh.
Itoobiyaaanka waxa la soo sheeayaa in laga dilay ilaa 5 askari halka kuwo kalana laga dhaawacay,dhanka Alshabaab inkastoo khasaare uu gaaray hadana ma jirto wax tira faah-faahin ah oo laga helay, Kooxda Alshabaab ayaa dhankooda barahooda warbaahin waxay ku shaaciyeen inay Itoobiyaanka gaarsiiyeen khasaare lixaad leh.
Dadka deegaanka ee ka dhaw goobta dagaalku ka dhacay ayaa sheegay inay aad u maqleen intii dagaalku socday daryanka hubka labada dhinac ay isu adeegsanayeen mudo saacado ah taasoo cabsina gelisay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
