Alshabaab oo weerar Gaadmaa ku qaaday Ciidamada Kenya

0

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa weerar culus oo gaadmo ah ku qaaday kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada Kenya oo ka baxay degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose.

Sida aan wararka ku helnay weerarka ayaa ku bilowday qaraxyo wadada ku aaseen Al Shabaab waxaana xigay weerar toos ah oo la sheegay in uu socday ku dhawaad mudo saacad ah.

Dadka ka agdhawaa halka uu weerarku ka dhacay ayaa sheegay in ay maqlayeen hub culus oo labada dhinac is dhaafsanayeen, waxa ayna sheegeen in ay jiraan khasaaro dhimasho iyo kuwa dhaawac oo labada dhinac kala gaaray.

Ciidamada Kenya ayaa la sheegay in markii dambe usoo gurmadeen diyaarado dagaal iyo ciidamo kale oo ka baxay dhinaca degmada Afmadow, dagaalka ayaana markii dambe istaagay kadib markii Al Shabaab dib u gurteen.

Al Shabaab ayaana guulo ka sheegatay weerarka gaadmada ah ee ku qaadeen ciidamada Kenya, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca ciidamada AMISOM iyo dowlada Kenya oo ku aadan weerarkan.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here