HomeWarkiiAlshabaab oo weerar ku qaaday fariisinka ciidamada Itoobiya ee Degmada Diinsoor

Alshabaab oo weerar ku qaaday fariisinka ciidamada Itoobiya ee Degmada Diinsoor

DIINSOOR (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Magaalada Diinsoor ee Gobolka Bay ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay saacadihii ugu danbeeyay dagaal u dhexeeyay Alshabaab iyo Ciidamada Itoobiyaanka kaasoo magaaladaasi aad looga maqlay .

Dagaalkaan ayaa ka dhashay markii Alshabaab weerar ku qaadeen fariisinka ciidamada Itoobiya ee Degmada Diinsoor, waxaana ka dhashay khasaare nafeed oo labada dhinacba kala gaaray inkastoo warar sugan aan laga heyn.

Saraakiisha Itoobiyaanka ee Diinsoor ayaa xaqiijiyay jiritaanka weerarka Alshabaab kaga yimid wuxuuna sheegay inay iska caaabiyeen islamarkaana xaaladu caadi tahay oo aaney jirin wax is badal ah , jawiguna degan yahay.

Dhanka Alshabaab barahoda bulshada waxay ku cadeeyeen weerarka inay qaadeen laakiin ma aysan sheegan wax guul ah sida haday jirto khasaare ay gaarsiiyeen ciidamada Itoobiyaanka ee ku jooga Somalia magaca howlalka AUSSOM.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -