HomeWarkiiAlshabaab oo weerar ku qaaday saldhig ciidamada Kenya ku leeyihiin duleedka Garisa 

Alshabaab oo weerar ku qaaday saldhig ciidamada Kenya ku leeyihiin duleedka Garisa 

GARISA (DAYNIILE.COM)-Dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaank Weel-mareer oo ku yaal duleedka Magaalada Garisa.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in labada dhinac is dhaafsadeen rasaas badan islamarkana qadar kooban uu socday dagaalku iyadoo ay jiraan dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac gaaray.

Alshabaab ayaa sheegtay inay weerarka iyaga qaadeen islamarkaana ay dileen ciidamo badan oo Kenya ahaa inkastoo warar madax banaan aysan jirin oo xaqiijinaya shegashada Alshabaab ama beeninaya.

Weerarada Alshabaab ayaa ku soo badanaya Gobolka Waqooyi Bari Kenya oo ah dhulka Soomaalida ee Kenyaanku maamulo halkaasoo u dhaw xad beeneedka.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -