MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Weerar Qaraxyo ku bilowday ayay kooxda Alshabaab maqribnimadaan ku qaadeen Xabsiga godka jilacow ee Magaalada Muqdisho halkaasoo maxaabiis badana ay ku xareysnaayeen.
Wararka aan haleyno ayaa sheegaya in maxaabiista qaar ay ka baxsadeen xabsiga Markii ay ka faa’iideysteen qaraxa iyo is rasaaseynta ka dhex bllaabatay xabsiga.
Saraakiil ciidan ayaa la soo sheegayaa inay ku dhaawacmeen qaraxyada waxaana ka mid ah Taliyaha Nabad sugida Degmada Howlwadaag.
Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa wali waxay ka dhex dagaalamayana gudaha xabsiga iyadoo ciidamo badan oo Dowlada ka tirsan ay gurmad ahaan u gaareen Xabiga oo ay ka dhex socoto is rasaaseynta.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
