HomeWarkiiAlshabaab oo weerar toos ah iyo qarax isugu daray ciidamo Kenyaan gudaha...

Alshabaab oo weerar toos ah iyo qarax isugu daray ciidamo Kenyaan gudaha ismaamulka Mandera

MANDERA (DAYNIILE.COM)-Dagaalmayaal ka tirsan Alshbaab ayaa la soo sheegayaa inay duleedka Mandera ku weerareen kolonyo gaadiid oo ay wateen ciidamada Dowlada Kenya ee xuduudaha ka howlgala.

Alshabaab waxay weerarkooda ku bilabeen qarax kadibna weerar toos ah ayay ku qaadeen ciidamada Kenya waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac inkastoo faah-faahin aan laga heyn.

Alshabaab ayaa dhanooda war ay ka soo saareen waxay ku sheegteen weerarka qaraxa iyo tooska ahba ay iyaga ku qaadeen Ciidamada Kenya islamarkaana ay laayeen ciidamadii saarnaa gaadiiidka uu qaraxa haleelay walow aysan alshabaabku xusin tiro sugan.

Dhanka kale Saraakiisha Ciidamada Kenya ee Xuduuda Mandera ka howlgala wali wax wara kama soo saarin dagaalka iyo qaraxyada Alshabaa sheegteen inay u gaysteen ciidamadooda.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -