BAYDHABA (DAYNIILE.COM)-Dagaalamayaasha Kooxda Alshabaab ayaa la soo sheegayaa inay xalay weerar madaafiic ku ekeeyeen fariisin ciidamada Dowlada Somalia iyo kuwa maamulka Koofur-galbeed ku leeyihiin deegaanka Barujeed ee duleedka Magaalada Baydhabo.
Tiro madaafiic ay soo rideen Alshabaab oo hoobiyayaal ahaa ayay saldhiga la eegteen inkastoo aan warar sugan laga heyn hadii ay gudaha ku dhaceen iyo hadii ay jiraan khasaare nafeed oo ka dhashay intaba.
Dhanka Alshabaab war ka soo baxay waxay sheegteen inay iyagu weerarka madaafiicda la eegteen ciidamada Dowlada ,sidoo kale waxay sheegteen inay askarta dhibaato ku gaarsiiyeen walow aysan cadeyn la iman.
Deegaanka Barujeed waaa halka laga sugo amniga Magaalad Baydhaba oo ah xarunta Maamulka Koour-galbeed iyo xarunta Gobolka Bay intaba.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
