WAJEER (DAYNIILE.COM)-Dagaalamayaasha Kooxda Alshabaab ayaa la soo sheegayaa inay weeraro kala duwan ka fuliyeen Deegaanada Soomaalida Kenya sida Mandera iyo Wajeer .
Kooxda Alshabaab is-maamulka Wajeer waxay ku dileen Taliyaha ciidamada deegaanka Qarsa Caddow Cali iyo adeerkiis kadib markii ay weerar qorsheysan ku qaadeen gurigiisa .
Sidoo kale Kooxda Alshabaab waxay duleedka Ismaamulka Mandera qarax miino ku weerareen kolonyo ciidamada kenya oo ka baxay deegaanka Banba kuna sii jeeday Mandera, miinada oo haleeshay mid ka mid ah gaadiidkii ciidamada Kenya ayaa sababtay khasaare nafeed oo soo gaaray ciidamada.
Inta laga war hayo 77 askari ayaa ku dhaawacmay weerarkaasi kuwaasoo la gaarsiiyay isbitaalada Magaalada Mandera halkaasoo lagua tacaalayo xaaladooda caafimaad.
Deegaanada Soomaalida Kenya ayaa wajahaya weerarada soo kordhaya ee kooxda Alshabaab halkaasi ka geysaneyso.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
