Janaalle (dayniiile.com)-Kooxda Alshabaab ayaa maanta laba weerar waxay ka gaysteen fariisimo Ciidamada Dowlada iyo Atmis ku leeyihiin Gobolka Shabeelaha hoose.

Dagaalamayaasha Al-shabaan waxay weerar ku qaadeen Saldhig weyn oo ay Ciidamada Dowlada Somalia ku leeyihiin Magaalada Janaale halkaasoo la isu adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Sarkaal u hadlay Dowlda ayaa saxaafada u sheegay inay isla caabiyeen weerarka Alshabaab islamarkaana cashir u dhigeen inkastoo warar madax banaan aan laga helin aaga dagaalka.

Weerarka kale waxaa lagu qaaday  Saldhig Isla gobolka Shabeelaha hoose ku yaal oo ay ku wada sugnaayeen Atmis iyo Dowlada Somalia sidaas oo kale ayayna Dowladu sheegtay inay weerarkaasina iska riixeen Alshabaab islamarkaana ay iyaga maamulayaan meelihii lagu diriray oo dhan.

Dagaalkaan iyo mid Saaka ka dhacay Gobolka Galgaduud ayaa imaanaya xili iska hor imaadyada hubeysan laga nastay tan iyo markii roobabka waa weyn ay bilowdeen iyo fatahaadaha wabiyada madaama dhulka intiisa badan biya harqiyeen.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleSoomaalida Holland oo taageero u muujiyay Guddoomiye cusub oo la doortay (VIDEO NEWS)
Next articleRa’iisulwasaaraha oo maanta dhagax dhgay wado laami ah +SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here