Bu’aale (dayniiile.com)-Wararka laga helaayo Magaalada Bu’aale ee Gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in halkaasi lagu weeraray saraakiil ka tirsan Kooxda Alshabaab oo shir gaara ku jiray.
Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa la sheegay inay ilaa sedex gantaal la eegteen goobtaasi ay ku shirayeen Alshabaabka lamana oga khasaaraha rasmiga ah ee ka soo gaaray.
Sidoo Kale waxaa la soo sheegayaa in madaafic xitaa ay la eegteen isla goobtaasi xili saraakiisha Alshabaab ka arinsanayeen gulufta dagaal ee Dowlada Soomaaliyeed ku hayso.
Inkastoo warar aan la xaqiijin sheegayaan in Alshabaabkii shirsanaa dhibaato ka soo gaartay hadana ma jirto warar madax banan oo xaqiijinaya.
Sidoo kale Taliska Atmis gaar ahaan kuwa Kenya iyo Alshabaab laftooda midkoodna war kama soo saarin weerarkaasi.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM