MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Booliiska Somalia ayaa goor dhaw waxay Magaalada Muqdisho ku qabteen dagaalame ka tirsan kooxda Alshabab kaasoo walxaha qarxa isku soo xirey,wuxuuna doonmayay inuu is qarxiyo .
Alshabaabkaan doonayay inuu is qarxiyo waxaa lagu qabtay isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho, ciidamada qabtay waxaa hogaaminayay Taliyaha waaxda October Amiin Sheekh.

Ciidamada Booliiska ayaa xabsiga u taxaabay ninkaasi walxaha qarxa ku xirnaa si nabad ah ayaana loogala wareegay qaraxa.
Taliska Booliiska qeybtiisa baarista ayaa shaqada la wareegay waxaana lagu wadaa inay maalmaha soo socda soo gudbiyaan warbixin dhameystiran oo ku saabsan alshabaabkaani.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
