Waxaa soo kordhaya dagaalamayaasha Alshabaab ee laba laba iyagoo iskula socda isku soo dhiibaya gacanta Ciidamada Dowlada Soomaaliya gaar ahaan kuwa gobolada dalka.

Sidoo kale kuwa la qabto xitaa waxay u badan yihiin laba laba ama qaraxyada iyagoo aasaya lagu qabtay ama iyagoo xaafadaha ku dhuumaleysanaya la qabtay.

Advertisement

Sida Raadiyaha Dowladu goor dhaw faafiyay waxaa isa soo dhiibay laba dagaalame oo ka tirsan kooxda Alshabaab.

labada nin waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Maxamad Xasan cali iyo Xasan cali xusen waxayna isku soo dhiibeen Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliya.
Mar ay ka hadlayeen sababta ay uga soo baxeen Alshabaab ayay sheegeen inay u adkeysan waayeen nolosha daruufta ah ee ku heysatay duurka howdka ah.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleBooliiska oo war ka soo saaray kiiska Xildhibaan Muqdisho ku geeriyooday
Next articleDAAWO: Dowlada oo ka hadashay afduubyadii, dilalkii iyo gubid ka dhacay Dalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here