BARIIRE (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in kooxda Alshabaab ay bur buriyeen buundadii Bariire ku taalay xili cabsi ay ka qabeen ciidamada Dowlada oo ku wajahnaa halkaasi.
Hadaba Alshabaab maxay talaabadaani u qaadeen,maxayse ka faa’iidayaan,maleeshiyaadka alshabaab waxaa la soo sheegayaa inay heleen xog sax ah oo muujineysay in ciidamo badan oo milateriga Somalia ka tirsan oo qorshahoodu ahaa inay alshabaab cagta mariyaan gaar ahaana kuwa bariire ku sugan.
Alshabaab waxaa sidoo kale u soo baxday in ciidamada Dowlada aysan hor istaagi karin sidaas daradeed ayay u fakireen una soo hindiseen qorshahaan inay buundada jaraan si werarka iyo howlgalada ciidamada Dowlada ay u fashiliyaan inkastoo qubarada milateriga ay xusayaan inaaney arintaasi wax badan u tari doonin Alshabaab.
Wararkii ugu dambeeyay ee laga helaayo bariire ayaa sheegaya in Alshabaab wabi dhinac ka mareen lamase saadaalin karo talaabada ciidamada Dowlada iyo Midowga Afrika oo la socda ay qaadi doonaan madaama buundadii ay jareen Alshabaab.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM