XIGASHO LAACIB.NET
Tababaraha kooxda Real Madrid, Alvaro Arbeloa, ayaa xaqiijiyay in Kylian Mbappe uu qayb ka noqon doono kooxda u safanaysa kulanka berri ee horyaalka La Liga ay la ciyaari doonaan Levante.
“Wuu fiicanyahay, wuxuuna ku jiri doonaa liiska kooxda,” ayuu yiri Arbeloa.
Mbappe ayaa muddo kooban la tacaalayay dhaawac dhanka jilibka ah, balse go’aan adayg dartiis wuxuu ciyaaray final-kii El Clasico ee tartanka Super Cup-ka Spain dhammaadkii toddobaadkii hore.
Weeraryahanka reer Faransiis ayaa seegay guuldarradii kooxda ka soo gaartay Albacete tartanka Copa del Rey, waxaana jiray shaki laga qabay inuu ka qayb geli karo kulanka Levante.
Balse shakigaas hadda waa laga gudbay, soo laabashadiisuna waxay dhiirigelin weyn u tahay Madrid, oo gashay xaalad adag ka dib markii ay ka hartay laba tartan maalmo yar gudahood.
Weli lama oga in 27-jirkan uu caafimaad ahaan ku filnaan doono inuu kusoo bilaawdo ciyaarta berri.
XIGASHO LAACIB.NET

