Dowladaha Puntland iyo Jubaland waa ku mahadsanyihiin in aysan shahaadosuur (marqaati-beenaale) ka noqon doorasho ku sheeg Farmaajo rabo in uu kaligiis isku caano shubo isagoo cudud ciidan adeegsanaya!

Inta hay’adaha amniga Farmaajo hoos tagayaan, amarna ka qaadanayaan doorasho xor iyo xalaal ah dalkaan kama dhici karto. Sababtoo ah ninka Barlamaan waqtigiisii dhamaaday boqolaal ciidan ah soo dul dhoobay. Xildhibaanada jidadka ka xirtay, amarna ku bixiyay hadii ay sheeda soo istaagaan in shafka xabad laga geliyo. Madaxweyneyaashii hore sida dimuquraadiga ah xilka ugu wareejiyay habeen saq dhaxe weeraray ee askartoodiina laayay, hubkoodiina xoog ku qaatay. Siyaasiin iyo shacab si nabad ah u bannaanbaxaya rasaas noolnool la dhacay, hadii mar dambe ay soo baxaana amar ku bixiyay inla laayo. LAGUMA AAMINI KARO AMNIGA DOORASHO SI XOR IYO XALAAL AH LOOGU TARTAMAYO.

Hon. Mahad Salad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here