MUQDISHO (DAYNIIILE.COM)-Ciidamada sirdoonka iyo Nabad sugida Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa maanta albaabada isugu dhufatay xarunta ugu weyn shirkada Isgaarsiinta Hormuud ee Magaalada Muqdisho.

Guud ahaan shaqaalihii ku sugnaa xarunta iyo dadkii loo adeegayayba waxaa loo soo saaray banaanka kadibna waxaa lagu amray shirkada inay xirato xarunteeda ilaa amar danbe.

Advertisement

Ciidamada Nisa ayaa shalay sidaan oo kale  xiray xarunta Hormuud ee ku taal nawaaxiga isgoyska KM4 iyagoona sidoo kalna xabsiga u taxaabay masuuliyiintii xaruntaasi.

Maanta ayay ahayd markii Shirkada Hormuud iyo NISA ay iska soo daba saareen laba war saxaafadeed oo Hormuudna ku sheeganeyso in lagu xadgudbay shaqadooda Halka Nisa iyaduna shaacisay in masuuliyiinta Hormuud fakiyeen rag Alshabaab ka tirsan oo ay ku raad joogeen kuwaasoo ka mida shaqaalaha hormuud.

Dhanka kale waxaa talaabada Dowlada Cambaareeyay Xildhibaano ka tirsan Dowlada kuwaasoo ku baaqay in dib xoriyadooda loo siiyo masuuliyiinta Hormuud laga xirey sidoo kalana Dowladu  xayiraada ka qaado xarunta Hormuud ugu weyn ee suuqa Bakaaraha ku taal.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Mogdisho: Shirkada ISgaarsiinta Hormuud oo u wareegtay Ceelasha Biyaha

Previous articleXiririka Kubada Cagta oo war cusub ka soo saaray tartankii Maamul Goboleedyada
Next articleXildhibaan Dowlada ka tirsan oo beeniyay inuu dhintay C/rashiid Janan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here