Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Faransiiska ayaa Jimcaha maanta ah sheegay in weeraro kale oo ay gaystaan kooxaha mayalka adag laga yaabo in ay dalkaasi ka dhacaan.

“Waxaan dagaal kula jirnaa cadow ku sugan gudaha iyo dibadda,” ayuu Gerald Darmanin u sheegay aradiyaha RTL ee dalkaas.

Hadalka Wasiirka, Gerald Damarnin ayaa yimid maalin ka dib markii nin hubeysan uu haweeney ku gowracay laba qof oo kalana ku dilay gudaha kaniisad ku taalla magaalada Nice (Niis). Ninka weerarka gaystay ayay boolisku toogteen isagoo haatan ku jira isbitaalka.

Iyada oo askar badan la dhigay magaalada Nice kadib dilkii saddexda qof ee shalay lagu dilay magaaladaasi ayey muslimiinta ku nool dalka Faransiisku tilmaameen ficilkaas mid arxandaro ah oo qofka ka danbeeyey aanu ku metelin jaaliyad, diin iyo qiyam umadeed toona.

Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Tunisia ayaa cambaareysay weerarkii toorreyda loo adeegsaday eek a dhacay magaalada Nice ee dalka Faransiiska.

Waaxda caddaaladda dalkaas ayaa sidoo kale sheegtay inay fureyso baaritaan la xiriira eedeysanaha loo soo qabtay falkaas.

Inkastoo booliiska Faransiiska uu aaminsan yahay in ninkii weerarkaas soo qaaday uu u dhashay dalka Tunisia, haddana dalkaas ku yaalla waqooyiga Afrika ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay si weyn ula dagaallamay khatarta uga imaaneysa weerarrada ay geystaan ururka Daacish.

Shan sano kaddib markii koox Islaamiyiin ah ay dalka Tunisia ku dileen dalxiisayaal, toogasho ka dhacday labo meel oo dalkaas ka tirsan, Tunisia waxay dadaal u gashay ka hortagga qorshooyinka weerar ee kooxda Daacish iyo inay si degdeg ah uga jawaabto weerarrada dhaca.

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here