114 askari oo qaabilsanaa in

WARDEGDEG:Amniga xildhibaanada iyo Shaqaalaha Barlamaanka oo halis ku jira.

114 askari oo qaabilsanaa in ay sugaan amniga labada xarun ee uu ku shiro barlamaanka iyo waddooyinka laga soo galo ayaa la amray in dhamaan shaqada laga joojiyo iyadoo aan wax ogeysiin ah la gaarsiin talisyadii ay ka tirsanaayeen ee booliska iyo nabad sugida.

Ciidankaan shaqada laga joojiyay ayaa masuul ka ahaa Amniga Golaha shacabka laga soo bilaabo sannadkii 2013 ilaa hadda. Mudadaas waxaa soo maray dagaalo AS ku soo qaaday Xarunta Golaha shacabka taas oo qaar ciidanka ka mid ihi ku dhinteen qaarna ku dhaawacmeen.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Sheikh Adan Madoobe ayaa Xoghayaha Cusub ee golaha ku amray in askartaas laga joojiyo shaqada oo lagu badalo askar beeleed ku heyb ah gudoomiyaha oo aan ka tirsaneen ciidamada booliska iyo nabad sugida dalka.

Ilo xog ogaal ah oo aan la xariirnay ayaa inoo xaqiijiyay in sababta ugu weyn ee askartaan loo ceeriyay ay tahay in meesha la geeyo askar si toos ah uga amar qaata gudoomiyaha barlamaanka si gudaha xarumahaas looga celiyo xildhibaankii ay is qabtaan gudoomiyaha Maadama dhawaan ay soo baxday in marka ay xildhibaanada ka soo laabtay fasaxa 25 bishaan October ay qaban doonaan mooshin xilka looga tuuraayo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

ay sugaan amniga labada xarun ee uu ku shiro barlamaanka iyo waddooyinka laga soo galo ayaa la amray in dhamaan shaqada laga joojiyo iyadoo aan wax ogeysiin ah la gaarsiin talisyadii ay ka tirsanaayeen ee booliska iyo nabad sugida.

Ciidankaan shaqada laga joojiyay ayaa masuul ka ahaa Amniga Golaha shacabka laga soo bilaabo sannadkii 2013 ilaa hadda. Mudadaas waxaa soo maray dagaalo AS ku soo qaaday Xarunta Golaha shacabka taas oo qaar ciidanka ka mid ihi ku dhinteen qaarna ku dhaawacmeen.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Sheikh Adan Madoobe ayaa Xoghayaha Cusub ee golaha ku amray in askartaas laga joojiyo shaqada oo lagu badalo askar beeleed ku heyb ah gudoomiyaha oo aan ka tirsaneen ciidamada booliska iyo nabad sugida dalka.

Ilo xog ogaal ah oo aan la xariirnay ayaa inoo xaqiijiyay in sababta ugu weyn ee askartaan loo ceeriyay ay tahay in meesha la geeyo askar si toos ah uga amar qaata gudoomiyaha barlamaanka si gudaha xarumahaas looga celiyo xildhibaankii ay is qabtaan gudoomiyaha Maadama dhawaan ay soo baxday in marka ay xildhibaanada ka soo laabtay fasaxa 25 bishaan October ay qaban doonaan mooshin xilka looga tuuraayo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here