HomeCiyaarahaAncelotti oo sheegay shuruudda kaliya ee Neymar uu ugu ciyaari karo Brazil...

Ancelotti oo sheegay shuruudda kaliya ee Neymar uu ugu ciyaari karo Brazil Koobka Adduunka.

XIGASHO LAACIB.NET

Tababaraha xulka Brazil, Carlo Ancelotti, ayaa shaaca ka qaaday shuruudda uu Neymar Jr uga qeyb gali karo Koobka Adduunka ee 2026.

Koobka Adduunka soo socda ayaa lagu qaban doonaa Mareykanka, Canada iyo Mexico bisha June, waxaana xalay la sameeyay isku aadka, iyadoo uu goob joog ka ahaa Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo Madaxweynaha FIFA Gianni Infantino.

Brazil waxa ay ku jiraan Group C, oo ay kula jiraan Morocco, Haiti iyo Scotland.

Neymar, oo hore ugu soo ciyaaray Barcelona, PSG iyo Al Hilal, ayaa haatan qaab fiican ku jira iyadoo uu 11 gool u dhaliyay kooxdiisii caruurnimada ee Santos 26 kulan oo uu u saftay, inkastoo uu la tacaalayay dhaawacyo soo noqnoqda.

Taageerayaasha iyo wariyeyaasha ayaa aad u xiiseynaya haddii Ancelotti uu Neymar ku dari doono qorshihiisa Koobka Adduunka ee sannadka dambe.

Ancelotti, oo ka hadlayay kadib isku aadka Koobka Adduunka, ayaa yiri:

“Waxaan fahamsanahay inaad aad u xiisaynaysaan Neymar. Waxaan rabaa inaan caddeeyo.

Waxaan joognaa December, Koobka Adduunkuna waa June. Marka aan magacaabo kooxda bisha May, haddii Neymar istaahilo, haddii uu fiican yahay, haddii uu ka wanaagsan yahay ama la mid yahay ciyaaryahan kale wuu ciyaari doonaa Koobka Adduunka, waa intaas.”

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -