XIGASHO LAACIB.NET

Wargeyska The Guardian ayaa sheegay in garabka Bournemouth, Antoine Semenyo, uu u arko Liverpool inay tahay halka uu doorbidayo inuu u wareego haddii uu ka tago kooxdiisa bisha Janaayo.
Ciyaaryahanka 25 jirka ah ayaa noqday mid si weyn loo doonayo, kaddib markii la xaqiijiyay in qandaraaskiisa uu ku jiro qodob sii-deyn ah oo aan ka badnayn £65 milyan, kaas oo la dhaqaajin karo oo keliya bilowga bisha soo socota.
Liverpool ayaa Semenyo u aragta mid beddel u noqon kara Mohamed Salah mustaqbalka fog, waxaana la sheegay in xiddiga reer Ghana uu si wanaagsan u soo dhoweynayo dalab ka yimaada kooxda Anfield.
Haddii Liverpool aysan tallaabo qaadin, Manchester City ayaa la rumeysan yahay inay tahay doorashada labaad ee Semenyo. Taas ayaa ka dhigaysa Manchester United inay noqoto kooxda fursadda ugu yar leh tartankan, inkastoo ay maalmahan dambe xoojiyeen dadaalkooda ku aaddan saxiixa ciyaaryahanka.
XIGASHO LAACIB.NET
