Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa markii ugu horeysayku goodiyay inuu isticmaali doono qodob awood siinaya marka la eego xilka uu hayo si uu u joojiyo dagaalada Gaza ka socda ee lagu xasuuqayo shacabka reer Falastiin.

Antonio Guterres ayaa u direy Golaha amaanka Qaramada Midoobe warqad uu u cuskaday qodobka 99-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay, kaas oo dhigaya in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu horgeyn karo Golaha Ammaanka arrin kasta oo sida uu qabo khatar ku noqon karto ilaalinta nabadda iyo ammaanka caalamiga ah.

Advertisement

Waraaqda Guterres waxa uu ugu baaqayaa Golaha Ammaanka in ay cadaadis ku saaraan sidii loo baajin lahaa masiibo bini’aadantinimo, wuxuuna ku baaqayaa xabbad-joojin bini’aadantinimo in lagaga dhawaaqo Gaza.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa markii ugu horeysay adeegsaday qodobkaasi isaga xaqa bu siinaya inuu soo gudbin karo xaaladaha khatarta ah iyo sida ay la tahay in lagu xaliyo tan iyo markii uu la wareegay xilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay 1-dii Janaayo 2017.

Source News Aljazeera

XAFIISKA WARARKA 
DAYNIIILE.COM

Palestinians displaced by the Israeli bombardment of the Gaza Strip set up a tent camp in Rafah


Previous articleMadaxweyne Xasan oo ka qayb galay munaasabad loogu mahad celinayay dowladihii codkooda ku taageeray Somalia+Sawirro
Next articleBisha Cas oo shaacisay in 10% kaliya ay ka helaan gar-gaarka u baahan yihiin reer Gaza

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here