HomeWarkiiAqalka sare oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhisidda Hay’adda Maalgashiga Soomaaliyeed+SAWIRRO

Aqalka sare oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhisidda Hay’adda Maalgashiga Soomaaliyeed+SAWIRRO

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo uu wehelinayo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), ayaa maanta shir guddoomiyay Kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 10-aad, oo ajandihiisu ahaa:

  1. Akhrinta Saddexaad ee Hindise-Sharciyeedka Dhisidda Hay’adda Maalgashiga Soomaaliyeed.
  2. Akhrinta Koowaad ee Hindise-Sharciyeedka Dib-u-eegista Sharciga La-dagaalanka Burcad-badeedka iyo Ka-hortagga Afduubka.

Ugu horrayn, Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Arrimaha Gudaha Aqalka Sare, Sanatar Cabdiwali Ibraahim Garyare, ayaa Sanatarrada la wadaagay warbixinta Akhrinta saddexaad ee Hindise-Sharciyeedka Dhisidda Hay’adda Maalgashiga Soomaaliyeed, isagoo faahfaahiyay sida sharciga loo waafajiyay talooyinka iyo aragtiyihii ay Sanataradu soo gudbiyeen akhrintii 2aad Hindise-Sharciyeedka.

Kaddib, cod u qaadista sharciga ayaa lagu oggolaaday 29 Sanatar, mana jirin cid diidday ama ka aamustay, sidaasna sharcigu wuxuu ku noqday mid ansax ah.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene, oo kulanka goobjoog ka ahaa, ayaa uga mahadceliyay Aqalka Sare iyo Guddigii ka shaqeeyay ansixinta sharcigan iyo gudashada waajibaadkooda sharci dejineed.

Intaas kaddib, marka uu soo xirmay ajandaha koowaad, waxaa loo gudbay warbixinta Akhrinta Koowaad ee Hindise-Sharciyeedka Dib-u-eegista Sharciga La-dagaalanka Burcad-badeedka iyo Ka-hortagga Afduubka, oo ay Sanatarada la wadaagay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda XFS, Mudane Ilyaas Sheekh Cumar, isagoo sharaxay muhiimadda uu sharcigan u leeyahay dalka iyo doorka uu ka qaadan doono xoojinta nidaamka amniga badda.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Dadwaynaha

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS.May be an image of daisMay be an image of dais and text

May be an image of dais and text
May be an image of one or more people, dais and textMay be an image of dais and textMay be an image of one or more people and text that says "d $ 9 梅"May be an image of daisMay be an image of one or more peopleMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people and daisMay be an image of dais and textMay be an image of one or more people, headscarf and daisMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of dais

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -