Aqoon-yahan Prof.Yaxye Sheekh Caamir ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook wuxuu ka digayaa halis ku soo wajahan jiilka danbe hadii aan hada wax laga qaban.

Qoraalka Prof.Yaxye Sh.Caamir ayaa sidan u qornaa:-

Advertisement

Jiilka Eber “Generation Zero”

Xaqiiq jirto, Baaritaan dheer kadib arintaan waan soo hubiyay.

Ninkaan magaciisa aan ku soo koobay X. Waa Nin Reer Miyi ah, Sida kuwa kale oo deegaanka joogo waxaa uu Lo’ iyo Ari ku ilaalinayay Baadiyaha Tuulada Caadleey ee Sh/dhexe. Waxa uu Hoos fadhiyay Geed Xoolihii uu ilaalinayay waxa ay Daaqayeen Hareerihiisa.

Waxa uu Guntiga kala soo Baxay Cirbad, waxa uu isku muday nuuc Darooga ah.
Waxa uu yiri: istareeska ayaan isaga yareynaa. (F.S:1aad)

Hore waxaan uga welwelayay Jaadka ku fidayo Miyiga, Laakin Hadda waxaan xaqiijiyay in Meela badan oo Miyiga Dalka oo dhan ah lagu fidinayo Nuucya kala duwan oo mukhaadraad iyo Daroogo ah.

Haddii arintaan aan dhaqso wax looga qaban Jiilka cusub ee Somalidu waxa uu noqon doonaa Eber. Waa qorshe la mid ah kii ummadaha qaar lagu cirib tirayay sida kii “China Drug” ama “Red Indian” lagu baabiyay.

Arintaani waa xaqiiq, Dalka oo dhanna waa ku socotaa.
Allaah ha naga Badbaadiyo khatarta na loo qorsheeyay, Annaguna aan dadaalno.

Qore:Yahya Amir

Previous articleCeel-dheer oo Hoobiyayaal lagu garaacay
Next articleGudoomiye Adan Madobe oo la kumay Safiirka Imaaraadka+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here