Aqoonyahanka dhaqaale Yaqaanka Pro.Yaxye Sheekh Caamir ayaa qoraal dheer uu soo geliyay barihiisa bulshada wuxuu ku soo bandhigay shakabada dhul boobka ka wada Magaalada Muqdisho.
Qoraalka Yaxye Sh.Caamir oo sidiisa u qoran halkaan ka akhriso:-
Kooxda Dhul boobka Mogadishu.
Wada Akhri Qoraalkan Isbaheysiga Burcadda Dhul boobka Adigaa yaabi doonee.
Hadda waxa uu ku fiday, Dhulka Siligga ee Degmadda Dharkeeynley. Waxaa la isku Afgartay in la boobo 100 Boos, Dadkii deganayna si farsamaa looga xoogo.
Heerarka
Qofka waxaa la leeyahay laba kala dooro.
- In aan ku siino 4000 Dollar oo aad ku guurto.
2.in aad na siiso 20,000 Dollar, waxaadna keenee Documentigaagii Hore, Hortaada ayaa lagu gubaa. Waxaana aan ku siineynaa Document Cusub, Adiga oo aan tagin Xafiisyada Dowladda oo wakhti iyo Hantiyo kaaga bixi leheyd.
Arrintaa waxaa Fulinayo Xafiis kooxeed gaar loo leeyahay oo ku yaal “Hotel Afrik”.
Haddii aad Dood ka qabto, lama aadayo Maxkamad, waxaa uu xafiiskani ku leeyahay, Annagga ayaa keeneyno Go’aan Maxkamadeed iyo Fulin isla socdo oo ah Ciidamo diyaar ah oo Burburinayo Gurigaaga, Kuwa Hordhaca ah ee Dadka handadayo waxa ay wataan Gaadiid Ciidan oo Taargo Numbarka laga mariyay wax u eg Carra madoow si aan loo aqoonsan Numbarka, kadibna marka ay noqdaan laga dhaqo Carrada. Qofkii Dood ka keenana waxaa loo diyaariyay Xabsi kooxdu kor ka maamusho oo lagu karaama dilayo.
Haddii aad raadiso yaa ka dambeeyo?
Waxa cad in ay ku Lug leeyihiin Nin iyo Naag Ceelasha Biyaha degan, in Koox Maamul iyo Xildhibaanna Gogol fadhi u yihiin.
Milkiilihii ku adkeeysto in uu warkooda diido, waxaa loo sheegaa in Naftiisu halis gali karto, Kooxdana ay ku jiraan Rag hore arintaa fulinteeda loogu yaqiin.
Waxaa Shaki kaa galaa, Dowladda Hoose, Maxkamadaha iyo Police-ka Gobalku arintaan maka war qabaan. Mise waxaa jiro Laba Dowladood oo iska hoos shaqeynaa, Kooxda Dhul boobka iyo Xubno Dowladda ka mid ah oo kor ka ilaalinayaan Fal dambiyeedkaa.
Kooxdani Dhulka ay Boobaan Horay ayey ka sii iibinayaan. Weeyna iska tagayaan, waxa ayna isga dhax baxayaan Qofkii laga xoogay iyo kii ay ka sii iibiyeen si ay ugu dagaalmaan oo dhiig ugu daato
Maxaa Xal ah?
- Kuwa laga sii iibinaa in aynan iibsan, bacdamaa uu keenayo dhiig ku daato mustaqbalka, marka labadooda dulmane la isaga dhax baxo.
- In Dowladu ay soo fara galiso, oo haddii Sharci cusub la siinayo, in Dadka ay iyadu toos ugu sharciyeeyso milkiilihii horeba ay Dowladda hoose u siisay. Si ka madax banaan Shirakada Burcaddaa ee Xafiisyada ka sameeystay Hoteelada iyo kuwa kale oo badan oo ku dhax Shaqeysto Xafiisyo kiraa iyo Guryo guurguuro oo Dadka lagu dhaco.
Arrintaan kuma dhamaaneeyso, Gudaha Dalka oo hore ayaa 6 Sano ka hor Mashruuc caalamiya oo loo wakiishay “World Bank” uu u diiwaan galiyay Habka Loo yaqaan- Land Grabbing,
( Land grabbing- refers to the large-scale, often unethical or illegal acquisition of land through purchase, power, lease, or governments, usually without the consent of local communities). Dhulalka la boobo iyada oo aan la tix galin Bulshada.
Mashruucaa hore oo ku koobnaa Cirifyada Magaaladu ay ku fideeysay Magaaldu wakhtigaa. Kaa oo warbixin dheer oo laga diyaariyay aan hore u akhriyay.
Laakin, hadda waxaa muuqdo in Caalamku uu si gaar ah ula socdo Dhul boobka Gudaha Magaalada lana diiwaan galinayo kuwa wax boobay iyo kuwa laga boobay, si Mustaqbalka shuruud looga dhigo Dowladdu in ay wax ka qabato kuwii falalkaa geeystay ama ku Lugta lahaa haddii kale wada shaqeynta ay wax u dhimi doonto, ilaa laga helo dowlad diyaar u ah in ay arimahaa dib u eegto, xuquuqdiina u soo celiso dhibanayaasha, kuwa ku lug yeeshana lala socdo Hantidooda Dibadda, Safaradooda iyo Xilalakooda Gudaha Dalka.
Burcaddu waxa ay Sababatay: Masaakiin Hooy la’aan ah oo Geedaha hoos jiifo, Agoon inkaartamee, Dadkii iyo Dowladii oo kala fogaaday, Qooys ladnaa oo qaxooti ku ah Guryo qaraabo ama Guryo ayna iska bixi karin kiradooda, Odayaal wixii ay noloshooda tacbayeen ku dhisay hal Guri si ay ugu noolaadaan marka ay Howl gab noqdaan, dhacdadaan kadibna odayaashii Dhiig kar ayaa ku dhacay markii Dhulka laga boobay, Qaar ayaa u dhintay Dhiig karkii, qaar kale ay u dhul dhacay oo Sariirta saaran, Qaar ayaa Maankoodii – Ogaalkoodii hoos u dhacay, Qaar ayaa ku dhintay iyaga oo difaacaa Xaq ay lahaayeen oo Dowladu hore u siisay oo ayna isla Dowladii iyada oo aan u baahan ay Dad kale oo Burcad ah siisay, Shacabkii oo gaaray heer ay is barbar dhigaan Dowlad iyo Dowlad la’aan iyo Qaar ka quustay Cadaaladda Qiyaamaha ka hor.
Reer Dharkeeynley dhibaa heeysto, waxaa ku yimid Wareegii Dhul Boobka.
FG: la soco Qeybaha Dambe.
Qore: Yahya Amir
