Waxaa la soo saaray Saddax Sharci: Mamnuucidda Koofiyadaha qaar, Face mask, Hubka lala raaco Bajaajka.

Waa sax in la raaco sharciyada ay Dowladdu soo saarto, Weliba kuwa hayadaha Amnigu waa muhim.
Dhinaca kale marka Sharci la soo saarayo waa muhim in dhinacya badan laga fiiriyo, Sharcigan ma loo baahan yahay? Maxaa ka dhalan karo? Ma sharci loogu tala galay muddo dheeraa mise wakhti kooban? Dowladdu ma joogteey kartaa fulintiisa?

Advertisement

Waxaan xasuusanaa sharciyo badan oo hore loo soo saaray haddana socon waayay, sida kii Lo’da ku dhax nool Magaalada. Sida kii lagu joojiyay soo Dajinta Bajaajka cusub.

Saddaxdan sharci ee cusub

1. Sharciga in Bajaajta Hub aan lala raacin, waa muhim, Laakin hore ayaa loo soo saaray waana hirgali waayay, sababata ma leeys weeydiiyay?

Waxaa jirto in Asgarta qaar ay Hubkooda si shakhsi ah u leeyihiin oo lagu shaqaaleeyay, mana ogolo in uu Hubkiisa uga soo tago Saldhigga ama Goobta shaqo iyo cabsi isaga oo wato dareeskii Ciidamada oo aan hubeysneyn uuna ku tagi karin Xaafadaha qaar.

2. Maskiga Sanka lagu xiro. Wakhtigii Covit-19 ayaa isticmaalkiisu batay. Hadda waxaa lagu isticmaalaa Isbitaaladda, waxaa kale oo isticmaalo Dadka wadooyinka Xaaqo ee Nadaafadda, kuwo Qashinka Xaafadaha ka qaado, Dadka Qurbaha ka yimaad qaarkood, Maalmahaan oo magaalada Dabeyshu kacsan tahay Boor badana jiro Dadka Sanboorka iyo Xanuunada qaar qabo ayaa isticmaalo.
weli waxa ay yaaliin Farmashiyaasha iyo xarumo ganacsi, joojintoodda Deg dega ahi waxa ay khasaaro u tahay Ganacsatada.

3. Koofiyadda, Sunnada iyo Barawaanka waa la ogolyahay ayaa la yiri: kuwa kale ee ugu badan waa kuwa leh Foodda dhuuban.
Kuwaana inta Badan waxaa isticmaalo Qurba joogta Bidaarta leh, Ciidamadda, Madaxda, Ardayada qalin jabinee oo ku qorto Magaca Jaamacadda, Caruurta oo ku ciideeysato iyo Dad kale oo badan.

Maantana magaalada aad ayaa loo watay oo sharcigaasi ma hirgalin.

Koofiyadahaani waxaa ay yaaliin Dukaamo badan, GanacsatadacGaari gacanada oo waddadooyinka ku iibiyo, iyo xarumaha kuwa ku buufiyo magacyada. Ciyaaraha qaar ayeeyba u yihiin Astaan in la xirto marka la ciyaarayo.
Ganacsatada ka ganacsato koofiyadahaan waxa ay ka soo bixiyeen Lacag, waxa ay dhiibeen Cashuur. Lama siina wakhti ay isaga sii iibiyaan 24 Saac ayaa loo qabtay in lagu joojiyo isticmaalkooda, ma dadaka ayeey ku khasbayaan Ganacsatadu in ay ka gataan.

Waxaa kale oo ka Muhimsan in laga fikiro Amniga Macalinka. (F.S:1-18aad)

Wax badan ayaa isku keey qaba la’ ee i fahamsii.

FG: wixii ka khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar

Qore :Yahya Amir

Previous articleWasiiru Dowlaha arimaha dibada Somalia oo la kulmay masuuliyiin Midowga Afrika ka tirsan+SAWIRRO
Next articleHogaamiyihii Mucaaradka Ruushka oo Xabsi ku dhex geeriyooday iyo Putin oo lagu dhaliilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here